spot_imgspot_imgspot_img

Markabka dagaalka Mareykanka ee xambaara diyaaradaha oo Gaaray bariga dhexe.

Jimco 23 Agoosto 2024 {HMC} Markabka dagaalka ee Mareykanka oo xambaara diyaaradaha USS Abraham Lincoln ayaa hadda ka howlgalaya bariga dhexe , kaddib markii uu gaaray maalin ka hor.

Markabkan ayaa leh  taariikh dagaal oo gobolka bariga dhexe ah qaar ka mid ah dagaalladii ugu caansanaa ee ka dhacay bariga dhexe ee uu ka qaybgalay waxaa ka mid ah dagaalkii koowaad ee khaliijka iyo duulaankii Ciraaq ee 2003.


Sidoo kale , sida sawirka ka muuqata Mareykanka ayaa hantidiisii ugu badan ee militari wuxuu keenay bariga dhexe , illaa uu maraakiibtiisa geeyay dhuunta gacanka Persian ee Iran.

Xiisadda bariga dhexe , mar kasta waa mid ku dhow khatar, illaa ay suragal tahay in Mareykanka uu weerarro ka geysto gobolka , taa oo ku xiran haddii duulaan xanuujiya Israa’iil ay la kulanto. Haddii fikradaadu tahay Iran ma qaadi doonto weerar…! aragtideyda Israa’iil oo weerar qaaday ayaan arki karna, iyadoo ku sii soconaysa weerarradeeda gobolka.

WARARKA