Khaamiis 22, August 2024 {HMC} Xaafadda Ansalooti ee degmada Waaberi, Muqdisho, ayaa waxaa ka dhacay fal argagax leh oo sababay dhimashada aabbe afar carruur ah dhalay, kadib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda uu dilay Marxuumka lacag dhan 3,000 Shilin Soomaali ah darteed. Dhacdadan naxdinta leh ayaa dareen xoogan ku abuurtay bulshada deegaanka, iyadoo ehelka marxuumka ay si adag uga hadleen, kuna baaqeen in cadaalad degdeg ah la horkeeno dambiilaha.
Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Ansalooti ee degmada Waaberi, waxaana la sheegay inuu ku sugnaa goob ganacsi markii uu askariga dilka gaystay uu soo gaaray, kana dalbaday lacag dhan 3,000 Shilin Soomaali ah—qaddar aan ka badnayn qiyaastii 15 senti oo doolar ah.
Sida wararku sheegayaan, marxuumka iyo askariga ayaa ahaa dad horay isku yaqaanay, waxaana muranka ku saleysan lacagta yar ee la weydiistay, uu sababay in askarigu rasaas ku furo marxuumka markii uu ka waayay lacagtii uu dalbaday.
Ehelada marxuumka, oo ay ka muuqatay murugo iyo tiiraanyo, ayaa warbaahinta la hadlay iyagoo si dareen leh uga sheekeeyay sida ay noloshoodu isu bedeshay kadib geerida xanuunka badan ee qoysaskooda soo martay.
Marxuumka u dadaalayay sidii uu u biili lahaa qoyskiisa, ayaa hadda ka tegey afar carruur ah oo aan haysan cid u joogsata, waxaana carruurtiisa yar yar iyo xaaskiisa ay wajahayaan mustaqbal mugdi ku jiro. Ehelka marxuumka ayaa sheegay in marxuumku ahaa shaqsi xushmad iyo nabad jecel, oo mar walba ku dadaalayay in uu noloshiisa u huro sidii uu qoyskiisa u daryeeli lahaa inkastoo duruufaha adag ay la soo darseen.
“Maxaa sababay in 3,000 Shilin Soomaali ah, oo aan wax weyn ahayn, ay nolosha Wiilkeenna uga baxdo? Waxaan dowladda ugu baaqeynaa inay cadaalad na siiso oo askariga dilka gaystay la hor keeno sharciga, si loogu muujiyo in nolosha dadka aysan noqonin mid lagu ciyaaro,” ayay ku soo gunaanaday ehelka marxuumka.
Dhacdadan ayaa dhalisay carro iyo walaac ballaaran oo ay muujiyeen bulshada ku nool degmada Waaberi iyo guud ahaan magaalada Muqdisho. Dad badan ayaa ka dalbaday dowladda inay tallaabo degdeg ah ka qaado arrintan si looga hortago in falalka noocan oo kale ah ay mustaqbalka soo noqdaan. Indhaha shacabka ayaa ku sii jeeda tallaabada ay dowladda ka qaadi doonto askarigan, iyadoo la sugayo in cadaalad la horkeeno kiiskan naxdinta leh.