Arbco 21, Aug 2024 {HMC} Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda ayaa booqday deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho halkaas oo maanta ay ka dhaceen qaraxyo sababay khasaaro kala duwan.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha uu halkaas ugaaray si uu usoo indha indheeyo waxyeelada uu qaraxaasi gasytay.
”Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho.”
”Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Kooxda AS warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas” ayaa lagu yiri qoralka kasoo baxay dowladda.
Qaraxyadaan Ismiidaaminta ah ayaa kusoo aadaya, iyada oo magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya ay dhowr kii bilood ee lasoo dhaafay si weyn hoos ugu dhaceen qaraxyada noocaan oo kale ah.