spot_imgspot_imgspot_img

Nabadoon Caan Ka Ahaa Gal Gaduud oo lagu dilay duleedka Dhuusamareb

Arbco 21, Aug 2024 {HMC} Waxaa maanta deegaanka Bidhaan-dheere oo u dhaxeeya Gadoon iyo Dhuusamareeb ka dhacay shaqaaqo dad ay ku dhinteen oo u dhaxaysay beelo deegaanka wada deggan.

Isku dhaca dadka ku dhintay waxaa ka mida ahaa nabadoon ka mid ahaa waxgarad ku baxay sidii colaadda loo joojin lahaa iyo dad kale.

Taliyaha saldhiga Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Max’ed ayaa sheegay in isku dhaca uu ka bilowday muran deegaamaysi ah oo dhexmaray dad wada deggan halkaas kaasoo markii danbe isku beddeley dagaal dhexmaray maleeshiyo beeleedyo.

“Meel jiingad laga dhisayey ayaa laysku qabtay xabado laysku rid riday ka bacdina waa sii xooggaystay wuxuuna isku beddelay dagaal labo qabiil” ayuu Taliye Nuur oo intaas ku daray in dagaalkaas ay ku dhinteen afar qof oo uu ku jiro nin nabadoon ah halka lix kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cabdiweli Daahir Tooxow oo ah nabadoon si weyn deegaanka looga yaqaanay kana mid ahaa dhaqan iyo waxgarad kale oo ku baxay colaada deegaanka Bidhaan-dheere si loo kala dhexgalo maleeshiyaadka dirirayey.

Xaallada deegaankii lagu diraray ayaa hadda deggan iyadoo aysan jirn maleeshiyaad is horfadhiya sida uu sheegay Taliye Nuur oo intaa ku daray in ciidamada ammaanka oo ka kooban Boolis iyo nabad sugid ay ku sugan yihiin deegaanka dagaalku ka dhacay

Gobolka Galgaduud waxaa muddooyinkii danbe ku soo noq noqonayey colaaddo u dhaxeeye maleeeshiyo beeleedyo kuwaas oo dad badani ku dhinteen sida ay sheegeen maamulka Galmudug

WARARKA