Arbco 21, Aug 2024 {HMC} Dameer duureed asal ahaan laga helo Soomaaliya oo markii hore khatar ugu jiray in uu ka cirin tirmo dunida oo idil ayaa waxaa uu ilmo ku dhalay beer xoolaad oo ku taalla Ingiriiska, taas ayaana lagu amaanay kooxdii gacanta ku haysay in dadaal wayn ku bixiyeen ilaalinta faraca ayawaankaas.
Madaxda beerta Knowsley ayaa sheegeen in kaliya 200 oo xabo oo nuuc dameerkaas ah ay haatan ku hareen duurka waxa ayna ku tilmaameen in keenista nuuca lab ee dameerkaasi ay ahayd tallaabo aad u wanaagsan oo lagu tarminay o xayawaankan.
Ilaaliyeyaasha beerta ay ku dhalatay dameertu ayaa sheegay dameerta wax dhashay oo ay ugu magacdareen Lahra, ay ka fogaanaysay dameeraha kale si ay u ilaashato dhasheeda. .
Lindsay Banks oo ka tirsan beerta lagu dhalay dameerta yar ayaa sheegtay in dhalashada dameerkaan ay “wax aad u wanaagsan u ahayd beerta Knowsley iyo guud ahaan noocyada dameerka duurjoogta ah ee Soomaali intaba”.
Dameerka duurjoogta ah ee Soomaali waa nooc ka mid ah dameerada duurjoogta ah ee Afrika, waxaana qayb ahaan haatan laga helaa meelo kooban oo ay ka mid tahay Itoobiya iyo qaybo ka mid buuraleyda Waqooyi Bari ee Ereteriya.
Waxay dusha sare ku leedahay midab buluug-cawlan ah, halka calooshana ay ku leedhay midab khafiif ah oo isla nuucaas ah iyo diilmo madoow oo kala duwan oo lugaha uga yaalla.
Dameerkaan ayaa waxaa iska dhalay dameer dhaddig oo afar jir ah oo loogu magac daray Lahra iyo mid lab oo shan jir ah oo iyana loogu magac darayu Hansi, waan markii ugu horeysay ee ay dhalaan labaduba.
Qolada qaabilsan xanaaneynta xoolaha ee beertaan ayaa dameerka lab ee Hansi waxa ka dhex bixiyeen dameero kale oo uu ku dhex jiray todobaadyo ka hor inta uusan dhalan mid ka yar ee ka farcmay.
Lahra waxaa la sheegay inay tahay “dameer aad ugu hanweyn muunka yar ee ay dhashay”.
Haweeneyda ka socota beerta Knowsley , marwo Banks ayaa waxa ay sheegtay in noocyada dameerkaan ay aad ugu yaraadeen adduunka sababo la xiriira halis ugu timid deegaanka, ugaarsi joogto ah oo ku dhacay, iyo tartanka xaywaanka duurka ee dhinac calafka iyo biyaha oo ay ka soo bixi waayeen.
“Waxay taas macnaheedu yahay in barnaamijyada taran ilaalinta sida kuweena oo kale, in ay aad muhiim ugu yihiin badbaadada noocyada xaywaanadaan oo kale,” ayay raacisay hadalkeeda Banks.
Marka la ugaarsado ayaa cunto ahaan loo adeegsadaa dameerahaan ayagoo loo adeegsado sidoo kale daawo ahaan.
“lafaha waxaa laga sameeyaa maraq la aaminsan yahay in lagu caafimaado, laakinse saynis ahaan lama caddayn” ayu yiri Idalsoaga.
Dameerka duur joogta ah ee loo yaqaano Soomaali, ayaa waxa uu ka duwan yahay dameeraha caadiga ah ee aynu naqaano, waxayna leeyihiin jinsi ka duwan faracyada kale ee dameeraha.
Tirada dameeraha ayaa hoos u sii dhacaysay 35kii sano ee u dambeeyey.
Dhanka kale Midowga caalamiga ee ilaalinta dabeecadda (IUCN) wuxuu dameerka ku tilmaamay mid khatar ugu jira inuu dabar go’o.
Lama oga in haatan wali lagu helo dhulka Soomaalida oo ay magac ahaan wataan iyo inkale, balse waxaa la ogyahay in duurjoog badani ay ka dabar go’day Soomaaliya, tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada sokeeye.