Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

20 qof ayaa ku dhimatay Shil ka dhacay Wabiga Congo, boqolaal kalena waa la la’yahay.

Arbaco 21 August 2024 {HMC} Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Talaadadii sheegay in shil ka dhacay webiga Lukeni ee todobaadkii hore ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof. Afartan iyo lix qof ayaa la soo badbaadiyay, sida uu sarkaal u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, balse waxaa wali la la’yahay boqolaal kale weli.

Doon ka sameysan alwaax ah oo siday in kabadan 300 qof iyo Alaabo kala duwan oo ku sii jeeday magaalada Nioki ayaa xili habeen ah waxa ay si lama filaan ah u gashay shil taas oo sababatay dhimashada 20 qof  iyo Boqolaal kale oo wali lagu la yahay Wabiga.

Gudoomiyaha Degmada Kutu Jacques Nzena ayaa u sheegay wakaalada France-Presse in dadka ku dhintay Biyaha wabiga Kongo uu ku jiro ilmo yar oo 9 bilood jir ah

Dalka Kongo waxaa sharci daro ah Socodka habeenkii sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah Masuuliyiinta Dalkaas.

“Waxaan si joogto ah u xasuusineynaa qof walba in ay mamnuuc tahay in la dhoofo habeenkii, sababtoo ah aad bay khatar u tahay,” Nzenza ayaa sidaas yidhi.

Socodka habeenkii iyo doonyaha ciriiriga ah ayaa ah dhibaatooyin gaadiid oo daba dheeraaday oo ka jira dalka bartamaha Afrika Kongo.

Shilalka dhimashada badan ayaa si joogta ah uga dhaca marin biyoodka wabiga sababtoo ah majirto koontarool lagu sameeyo doonka ku safra wabiga xiliga habeenkii ah kuwaas oo la saaro tan ama rar kabadan midka loogu talalgalay.

Dhacdadan ay dadka badan ku dhinteen ayaa waxaa loo saaray Guddi heer gobol ah oo baaraya dhacdada qasaaraha badan dhalisay.

Dowladda Congo ayaa inta badan soo saara digniino ku saabsan khatarta ka dhalan karta socodka habeenkii iyo maraakiibta xad dhaafka ah ee is ticmaalo Wabiga Dalkaasi.

WARARKA