spot_imgspot_imgspot_img

{WARBIXIN} Amni daradda ka jirta Baladwyne iyo doorka ay ku lee yihiin Shacabka Magaaladda.

Talaado 20, Aug 2024 {HMC} Duqii hore ee degmada Baladwayne Cabdulahi Salaad Kuukay ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka jirta magaalada Baladwayne isaga oo sheegay in uu aad ugu xunyahay waxyaabaha ka jira magaalada waqtigaan.

Cabdulahi Salaad waxa uu sheegay in dhibaatooyinka hada ka jira Baladwyne curashodooda ay qeyb ku leeyihiin shacabka Magaalada isaga oo sababeeyay arinkaas.

Waxa uu Sheegay duqii hore ee Baladwayne in Shcabka ay jaranjaro u noqdaan siyaasiyiin dano gaar ah leh kuwaaas oo aan waxba ka galin dhibka kusoo laabanaya Shacabka.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Dadka reer Baladwayne ay lakala safteen maamulada isdiidan ee ka jira magaalada halkaasne ay ku luntay amnigii iyo kala dambeyntii ay xaqa u lahaayeen in ay dadka helaan.

”Magaalada Baladwayne muddo sanad ah ayey ku jirtaa qalalaasaha qaybta ugu Wayna Waxaa is ka leh shacabka magaalada oo dhibaatada qayb ka ah”

Waxa kale oo uu sheegay in siyaasiyiintii maanta meesha ay joogto baladwayne dhigay midkoodna uusan ku noolayn magalada dhibkane uu shacabka kusoo Laabtay.

”Siyaasiyiintii dhibkaan galiyay magaalada qaarkood Xamar ayeey ka aaden qaarna wadankaba ma joogaan Hal qof oo siyaasiyiintaas Kamid ah oo dhibaato gaartay majiro, dilka, dhaca iyo boobka waxa uu u gaaryahay waa shacabka reer Baladwayne” Ayuu ku yiri Hadalkiisa Cabdullahi Salaad.

Cabdullahi Salaad oo Kusugan magaalada London oo waraysi siiyay waraabinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in baladwayne ay ubaahantahay in hal maamul looga dambeeyo kaasi oo lagula Xisaabtamo Duruufaha soo wajaho shacabka.

2-bishii March ee sanadkaan maamulka Hirshabelle ay u magacaabay duqa degmada Baladwayne Cabdullahi Salaad muddo 3-bilood ah oo uu hayay xilkaas ka dib 2-bishii June ee sanadkaan ayuu xilka ka qaaday wasiirka arrimha gudaha maamulka Hirshabelle markaas ay isku qabteen Lacago maamulka uu kusoo rogay ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhaxe.

HOOS KA DAHAGAYSO MUUQAALKA WARAYSIGA

WARARKA