Talaado 20, Aug 2024 {HMC} Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ay fuliyeen waxa ay ku dileen sargaal sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo la sheegay in shacabka ka qaadi jiray lacago Sakawaadka aay ugu yeeraan kooxda.
Howlgal qorsheysan ay ciidanka NISA gaar ahaan kuwa Gaashaan ka fuliyeen deegaanka Busleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayey ku dileen horjooge Maxamed Axmed Dhaqane oo katirsanaa saraakiisha Al Shabaab, waxaana ninkan la sheegay in ciidanka in muddo ah kudaba jireen.
Sargaalkan katirsanaa Al Shabaab ee dileen ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha iyo xoolaha ay Al Shabaab ugu yeeraan sakada, waxaana ninkan la sheegay in dhibaato badan ku hayay dadka deegaanka.
Ciidanka nabadsugida Soomaaliya ayaa mararka qaar howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka fuliya magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo dhaca gobolada Shabeelooyinka, howlgalkaasi ayey ciidamada ku beegsadaan xubno katirsan Al Shabaab oo bartilmaameed ah.