spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Puntland iyo Beesha Caalamka?

Talaado 20/08/ 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey shir u dhaxeeyay madaxda maamulka Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha, kaa oo maanta ku qabsoomay magaalada Nairobi.

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay shirka ayaa kala ah : UN, Midowga Europe, Canada, Germany , UK, Sweden , Netherlands, Finland, Denmark, Norway , Switzerland, France , USAID, World Bank iyo African Development Bank.

Maamulka Puntland ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda deegaannada Puntland gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.

Sidoo kale maamulka Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda maamulka Puntland uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Deni ugu hambalyeeyay hirgelinta hannaanka dimquraadiyadda Puntland, soona dhoweeyay xoojinta wada shaqeynta.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxaa kulanka kala qeybgalay xuhno ka mid ah Golaha Xukuumadda , La-taliyeyaal Madaxweyne , Wakiilka Puntland ee Kenya iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

WARARKA