spot_imgspot_imgspot_img

Nafaqo-xumo daran oo Saamaysay caruurta oo ka dilaacday Dalka Yemen.

Isniin 19, Aug 2024 {HMC} Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay Axadddi soo saareen ku xaqiijiyay, in nafaqo-xumo daran ay xowli ah ugu sii baaheyso deegaannada ay maamusho dowladda taagta daran ee dalka Yemen, gaar ahaan gobollada kulaala Badda Cas.

Guddigan tala-bixinta cunto yarida ee Qatamada Midoobay ayaa sheegay, in nafaqo-darrida Yemen ay uga sii dareen cudurrada shuban biyoodka iyo jadeecada, cunto yari, biyaha nadiifka ah oo yar iyo dhaqaalo xumo baahsan.

Tirada carruurta Yemen ee ay da’doodu ka yar tahay 5 sano ee la ildaradan nafaqo-darrida ayaa kor u kacday boqoliiba 34, marka loo barbardhigo sannadki hore, guud ahaan deegaannada ay dowladda maamusho.

Ilaa 600,000 oo caruur ah oo ay ku jiraan 120,000 oo ay xaaladdoodu liidato ayaa la il-daran nafaqo darriada.

Iyada oo ay horay uga jirtay saboolnimo baahsan, ayaa dalka Yemen waxaa dib u dhigay dagaal muddo sannado ah socday oo u dhaxeeyay Dowladda Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran.

WARARKA