Isniin 19, Aug 2024 {HMC} Walaaca shacabka magaaladda Baladweyne ay ka qabaan fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle shan bilood ka dib ayaa ah mid aad u sareyso seddexdii maal mood ee lasoo dhaafay.
Walaaca ay qabaan shacabka magaaladda waxaa kula lamaaneysan dadka beeraleydda ah oo xiligaan dalac aanan gaarin xiligiis goysmadda ay beeraha u saaran yihiin.
Deegaanka Bur’ukur ee DDS ayaa laga soo sheegayaa in laga arkay hoos u dhaca biyaha wabiga uu wado taas oo hoos u dhigi karta cabsidda shacabka magaaladda iyo tacbatadda.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Hiiraanweyn u sheegay in haddii todobaad gudihiisa uu kusoo gaaro laga wabiga laga badbaadi doono barakac iyo khasaaro ay la kulmaan beeraleydda waxaase uu carabka u adkeeyay in cabsi xoogan ay ka qabaan fatahaadda wabiga Shabelle.