spot_imgspot_imgspot_img

Daca Shacabka iyo Dilalka oo kusoo badanaya Magaaladda Baladweyne.

Isniin 19, Aug 2024 {HMC} Magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa bilihii lasoo dhaafay ka jiray xaalado adag oo dhinac walba leh, Waxaa magaaalada ka jiray falal amni darro waxaana bulshada magaaaladaa ay dareemayeen culesyo kala duwan oo gudaha iyo banaankaba leh.

Waxaa caadi ka noqday Dilka, Dhaca, Kufsiga iyo Isbaarooyin lasoo tubay wadada xariirisa Baladwayne iyo goboladda dhaxe ee dalka.

Majiro maamul kusoo baxay waxyaabaha foosha xun ee kajira magaalada gudaheeda iyadoo shacabka ay gaareen heer ay lasoo baxaan hubkooda si ay isaga celiyaan buracada dhaceysa xoolahooda iyo naftooda.

Dhalinyarada xaafada Xaawo-taako ee Baladweyne oo Hubkooda lasoo baxay ayaa sheegay in dadka aysan garanaynin meel laga soodiray ay ka difaacanayaan caruurtooda iyo maalkooda.

Mid ka mid ah dhalinyarada xaafadda oo lahadlay warbaahinta Hiiraanwayn ayaa sheegay in koox burcad oo dooneysay in ay dhacaan ay ku rideen shan xabadood si taleeefankiisa looga dhaco kadib markii uu isku dayay in uu ka difaacdo maalkiisa.

”Anigaan kula hadlaayo Ayaa Shan Xabadood leeygula riday Taleefankaaga keen Darteed isku adkayn aan isku adkaynaayo ayaa shan xabadood leygula riday kadib Waxaan go.aansaday inaan iska dhiibo Taleefankayga maaadama inaan dhinto aysan kala jeclayn Burcadda ”
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in aysan garanaynin Burcaddaan halka ay ka yimaadeen isagoo sheegay in ay is yaqaanan dhalinyarada kunool xaafada Xaawo-taako.

”Dadkaan maalkeena iyo Nafteena Qatarta ku ah manaqaano meel ay ka yimaadeen dhalinyarada xaafadane way is garanayaan inta badan” ayuu sii raaciayay hadalkiisa”
Dhalinyadaan ayaana sheegay in ay sii wadi doonan sugidda amniga xaafadda inta ay ka helayaan Hay,ado lawareega amniga guud ee maagaalada Baladwayne.

Todobaad kahor ayeey ahayd markii gudoomiye Kuxigeenkii maaliyada Degmada Baldwayne lagu dilay afaafka hore ee guriga uu ka deganaa Magaaladda.

WARARKA