spot_imgspot_imgspot_img

DAAWO: SSC oo Hanjabaad hawada umarsiisay maamulka Soomaaliland.

Isniin 19, Aug 2024 {HMC} Maamulka SSC QAATUMO ayaa hanjabaad hawada usoo marsiiyay maamulka soomaliland iyagoo sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto iskudayga ay wadaan taliska muuse biiixi

wasiirka warfaafinta SSC ayaa sheegay in ay lasocdaan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maamulka soomaaliland ayna udiyaarsanyihiin waxwalba oo dhankooda ka yimaada.

Wasiirku waxa uuu shegay in hadii ay bistoolad xagooda ay usoo ridaan ay ilaa Burco ay isla gaari doonaan.

”Hadalkii Muuse ee cilaaminta dagaalka ahaa lama yaabani waan ognahayoo wuxuu dabka soogaliyaa dad aaan umalaynaaayo in lasoo kiraystay balse hadii Bistoolad xitaa ay dhankeena usoo dhacdo ilaa Burco baa leesla tagayaa”

Waxa uu sidoo kale sheegay in iskudayada uu Muuse biixi samaynaayo wixii ka dhashaa isaga uu masuuliyadaasi qaadi doono.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii shalay uu madaxwaynaha soomaliland uu gaaray saladhiga oog ay ciidamda soomaliland ku leeyihiin gobolka Sool.

Muuse bixii ayaa halkaas ka sheegay in xasiloonida iyo kala dambayntii gobolka Sool gacanta soomaliland lagu soo celin doono.

Madaxweynaha oo la hadlayey ciidanka xoogga Somaliland ayaa ku amaanay sida ay ugu dhabar-adeygayaan difaaca dalkooda, isagoo u sheegay in dagaalku socon doono.

Wuxuu soo xusuusiyey maalintii lagu laayey Goojacadde, wuxuuna sheegay in ciidan waligiis jebi jiray, isla markaana aysan u jooji doonin guul darro kasta oo soo wajahda.

25-kii Aug 2023 ayeey aheed markii dagaal qaraar uu Goojacadde ku dhaxmaray ciidamada soomaaliland iyo kuwa SSC markaas oo laga saaray soomaaliland halkaas oo saldhiga umihiim ah u ahaa ciidmada Soomaaliland.

WARARKA