spot_imgspot_imgspot_img

Wabiga Shabelle oo ku fatahay Qaar kamid ah Xaafadaha Baladweyne

Axad 18, Aug 2024 {HMC} Dadka dagan Xaafada xaawa-taako gaar ahaan laanta kulanta ayaa wajahay culees kaga imaanayo kanaal soo jabsado waqtiyada uu biyo keeno wabiga sheebele ee mara bartamaha magaalada baladwayne

Kiligan biyaha soo fatahay ayaa waxa uu ku yaalaa Xaafada xawa taako gaar ahaan geed timirka oo dhinaca koofur bari kaga began Magaalada Baladweyne

Dhalinyarada iyo dadka xaafada xaawo-taako oo iskaa shanaayao ayaa bilaabay in ay la tacaalaya biyaha uu soo fatahay Kiliga timirka si aysan u barakicinta dadka xaafada iyo Magaalada inteeda kale .

Qaar kamid ah dhalinyaradaan u istaagtay wax kaqabashada fatahaada uu sameeyay wabiga shabelle ayaa Hiiraanwayn u sheegay in ay si isxilqaan ah ugu xirayaan biyaha halkaan iyagoona codsaday in maamulka degmada iyo gudiga gatahaada ay halkaan wax ka qabtaan madaama ay dhibaato wayn ku hayso bulshada ku naool Xaafadaha magaalada baladwayne.

Bishii may ee sanadkaan ayeey ahayd markii biyo halkaan kasoo jabsaday ay barakiyeen dadka kunool xaafada xaawo-tako ee magaalada baladwayne

tan iyo markaas waxba kama aysan qaban maamulka degmadabaladwayne iyo gudiga fatahada wabiga shabelle taasi oo sababtay in laga cabsi qabo in markale uu fatahaad ku sameeyo bulshada xaafada xaawo-taako

Is qab qabsiga maamul eek a jiro Magaalada Baladweyne ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii maamul iyo midkii hayadaha Deegaanka.

Ma jirto cid u dhaq dhaq dhaqaaqeyso wax ka qabashada fatahaada laga cabsi qabo in ay ku dhufato Magaalada hadii ay ahaan laheyd maamul ama hayadaha Samafalka

5-tii biloodba mar ayeey dadka ku nool magaalada baladwayne ay uga barakacaan fatahaad uusameeyo wabiga shebelle, mana muuqato wax xal ah oo wax looga qabanaayo Fatahaada isdabajooga ah ee ku so lab laabatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

WARARKA