Axad 18 /08/ 2024 {HMC}Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobollada Maamulkaas ayaa maanta boogasho ku tegay taliska ciidanka Somaliland ee deegaanka Oog ee gobolka Sool.
Muuse Biixi waxa halkaas ku soo dhaweeyey taliyaha ciidankiisa , Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaana uu salaan Sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka ku sugan taliska Oog.
Taliyaha ciidanka Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee ciidanka aaggaas ku sugan, waxana uu sheegay inay ciidamadu si buuxda diyaar ugu yihiin difaaca, isla markaana ku jiraan gudashada waajibkooda.
Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban u jeediyey ciidamada, ayaa ku bogaadiyey dedaalka ay ku jiraan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay difaacaan sharafta iyo haybadda Somaliland sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Degaanka Oog waa halka ay ku sugan yihiin ciidamadii Somaliland ee dagaalka looga saaray magaalada Laascaanood iyo degaanka Goojacadde waana xad beeleedka kala qeybiya beelaha SSC iyo Somaliland.