Sabti 17, Aug 2024 {HMC} Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda AS, kuwaas oo horay loogu riday xukuno dil ah.
Ragga la toogtay ayaa ahaa shabakado isku xirn oo ka tirsanaa kooxaha AS, kuwaas oo ay horay gacanta ugu soo dhigeen ciidamada ammaanka Puntland.
“Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Puntland.
Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacday waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayada oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirrada xubnaha la toogtay oo ku xiran tiirka toogashada.
Dhammaan ragga la toogtay ayaa lag helay in ay ka tirsanyihiin kooxda AS iyo inay weeraro ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 10 nin oo ka wada tirsanaa kooxda AS, inkastoo horay sidaan oo kale Puntland toogasho wadareed ugu fulisay xubno ka tirsanaa kooxaha AS iyo Daacish.
Toogashadan waxa ay kusoo aaday maalmo uun kadib markii xubno ka tirsan kooxda AS ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamushu Puntland, waxaana ku jiray xubnaha baxsaday kuwo ku xukunaa toogasho.