Sabti 17, Aug 2024 {HMC} Toban xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa saakay lagu toogtay magaalada Gaalkacyo kadib markii ay xukun dil ah ay ku ridday maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland.
Xubnahan maanta la toogtay ayaa lagu helay dambi ah in ay dad badan oo rayid ah iyo dad kaloo masuuliyiin ah ay ku laayeen magaalada Gaalkacyo, ka hor inta aysan laamaha amniga ee Puntland gacanta ku soo dhigin saddex sano ka hor.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.