spot_imgspot_imgspot_img

Shirweyne Lagu Xalinayo Xaalada ka taagan Baladweyne oo La Shaaciyay.

Arbaco 14 August 2024 {HMC} – Waxgaradka Gobalka Hiiraan ayaa soo faragaliyay xaalada Magaaladda Baladweyne.Xildhibaanadda kasoo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa la filayaa in Todobaadka soo aadan ay soo gaaraan Magaaladda Baladweyne si nabad loogu soo dabaalo xaalada Gobalka gaar ahaan mida Baladweyne.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo la hadlay Hiiraanweyn Ayaa sheegay in Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan uu isugu yeeray xildhibaanadda si wada tashi loo galo shacabkana looga qaado culeys Amni ee ay Wajahayaan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in Ciidamo ay Dowlada Fadaraalka usoo direyso Baladweyne, Waxaana uu sheegay in Xilkaan Khilaaf siyaasi uu ka jiro Magaalada balse aanan loo baahneen Awood ciidan.

Dhinaca kalle, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir ayaa si weyn uga soo horjeestay Shirkii dhawaan Magaaladda Jowhar ee Xarunta Hirshabelle ay ku yeesheen qaar ka mid ah xildhibaano isku jira labada gole ee BJFS iyo Madaxda Hirshabelle.

“Jowhar Waxaa isku wareystay Dad isku siyaasad ah fursadna lama siin dhinacyadda isdiidan, siyaasad ahaan sidaas darteed ma aheyn shir xal raadin ah ee waa mid ah uga sii daraya xalada aan caga badan ee ku taagneen ee Baladweyne ayuu Hiiiraanweyn u sheegay Maxamed Cabduqaadir Maxamed.”

Eedeyntaan kasoo yeertay xildhibaanka ayaa kusoo aadeysa xili walaac badan ayuu ka taagan Amniga Magaaldda Baladweyne.

WARARKA