Arbaco 14 August, 2024 {HMC} Booliiska New Zealand ayaa ku raadjooga macmacaan uu ku jiraan maaddo halis ah oo lagu magacaabo “methamphetamine” ka dib markii hay’ad samafal ah ay ku qaybisay magaalada Auckland.
Ilaa 400 oo qof ayaa laga yaabaa in nacnacaan uu gaaray xilli Hawlgalka Magaalada Auckland uu qaybniyay xirmooyin cunto ah, sidaas waxaa sheegay hay’adda ka hortagga faqriga hawsheedu tahay.
Nacnaca waxaa ku waxaa si qarsoodi ah ugu deeqay xubin ka mid ah dadweynaha oo, waxa uuna ku ku jiray kartoon afka ka xiran, ayay intaas raacisay hay’addu.
Ugu yaraan saddex qof, oo mid ka mid ah uu ilmo yahay, ayaa tagay isbitaalada kadib markii ay isticmaaleen nancnaca, balse dhamaantood haatan midna kuma jiro isbitaal.
“Maanu ogayn in nacnaca ay ku jirto maadada methamphetamine markii la qaybinayey,” afhayeenka hay’adda samafalka ayaa BBC-da sidaas u sheegay.
Booliisku waxay sheegeen in dhacdadadni ay tahay mid si kama ah ku dhacday oo uusan ahayn hawlgal qorsheysanaa, sidaas oo ay tahayna aysan wali xogta kama dambeysta ah aysan haynin maadaama “baaritaanku waqti ku filan u baahan yahay.
Hay’adda samafalka ayaa ku wargelisay maamulka magaalada Talaadadii ka dib markii qof ka mid ah dadkii isticmaalay nacnaca uu iyaga u sheegay in uu qaatay nacnac “dhadhankiisu layaab leeyahay”.
Helen Robinson, oo ah madaxa fulinta ee Hawlgalka Magaalada Auckland, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda samafalka ay iyagu qudhoodu tijaabiyeen nacnac iyaga oo gartay in cabashada ka timid nacnac ah ay tahay mid gar ah kadib markii dareen “khiyaali ah ay ku dareemeen” nacnaca.
Kadibna ayaa waxay hay’addu qaaday nacnac kale oo goobtooda ku haray iyaga oo u geeyay Hay’adda Daroogooyinka ee New Zealand si ay baaritaano ugu sameeyaan. Hay’adda ayaa xaqiijisay in maadada methamphetamine ay ku jirto nacnaca taas oo heerkeedu gaar siisnaa meel qatar ah.
Bayaan ay soo saartay hay’adda daroogada ayaa waxa ay ku sheegtay in nacanaca ay ka heleen qiyaastii 3 garaam oo methamphetamine ah.
“Qiyaas caadiga ah ee laga liqo karo waa 10-25mg, laakiin nacnacaan wasakhaysan wuxuu ku jra ilaa 300 mg,” ayay tiri madaxa hay’adaas Sarah Helm, oo intaas raacisay in cunista nacnaca uu qaddar intaa la eg oo maadadaas ah ay ka dhalan karto”qatar aad u badan oo dhimasho keeni karta”.
Methamphetamine ayaa ah maado keeni karta laab xanuun, wadnaha garaac, qalal, iyo suuxdin, sida ay sheegtay hay’adda daroogada.
Sida ay sheegtay Ms Robinson, hay’adda ayaa ku dhawaad 50,000 xirmo oo cunto sajalan ah qaybisa sannadkii.
Booliisku waxay ku wargaliyeen dadka qaatay xirmooyinka cuntada ee ah ee uu ku jiro nacnaca la yiraahdo Rinda ee ku duuban bacda jaalaha ah ee uu ku sawiran yahay cananaasku in ay si dhaqsi ah u la soo xiriiraan.
“Waa muhiim in dadweynuhu ogaadaan in nacnacyadaan ay qatar leeyihiin,” dambi-baare Glenn Baldwin ayaa sidaas ku dhex yiri jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii.
Rinda, oo ah shirkadda soo saarta nacnacaan oo lag aleeyahay dalka Malasia, ayaa waxay u sheegtay BBC da in ay ku baraarugtay in nacnacaan si qaldan loola falgaliyay walxo sharci darro ah, balse shirkadoodu aysan marnaba rali ka ahayn ama ogolaan in daroogooyin lagu daro waxyaabaha ay soo saaraan.
Maamulka magaalada ayaa wali waxay isku dayayaan bal in ay ogaadaan inta uu la egyahya baaxadda nacnacaan faafay. Ilaa iyo 16 kartoon ayaa ilaa iyo hadda dib loo soo celiyay – booliska ayaa sheegay in baakad kasta uu ka koobnaa 20 ilaa 30 xabo oo nacnac ah. Ilaa iyo 400 oo ruux ayaa la soo xariiray hay’adda samafalka markii hore.
Xigasho BBC