spot_imgspot_imgspot_img

Farmaajo oo Ka Hadlay Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Arbaco 14 /08/ 2024 {HMC} Madaxweeynihii hore ee soomaaliya maxame Abdullaahi farmaajo oo War qoraala soo saaray ayaa si adag uga hadlay dhalinyaradii maanta banaan baxa ka sameeyay muqdisho kidib markii aay sheegen in doowladu lacag kusoo rogtay.

Wuxuuna sheegay in aana la Aqbali karin in rasaas noolnool loo adeegsado dhalinyro dareenkooda cabiraa.

Hoos ka Aqriso Qoraalka Madxweeynaha:

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.

Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda.

Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah.:

WARARKA