spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xaalada Magaaladda Amni ee Baladweyne.

Arbaco 14 August 2024 {HMC} lataliyaha Arimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyadda Maxamed Xasan Ibraahim Qoono oo wareysi gaara ah siiyay Hiiraan Ayaa sheegay in ay Muhiim tahay hal maamul oo wada ogol uga shaqeeya Baladweyne.

Maxda Hirshabelle oo kaashanaya Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay shir lagu dhameynayo dhibaatooyinka soo laalaabtay in ay ku qabtaan Baladweyne.

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka Hirshabelle ee hadda ku magacaaban Gobalka Hiiraan si Amniga iyo kala dambeynta ay dib u helaan.

Dhinaca kalle Madaxda ugu Sareeyso Hirshabelle ayuu eedeeyay in Ku Xafladeynayaan Magaaladda Jowhar halka shacabka Baladweyne ay ku jiraan xaalad Amni xumo midii ugu darneed.

Warkaan kasoo baxay lataliyaha Madaxweyne Xasan sheeg ayaa kusoo Aadanaya xilli ay Socdaan Kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah oo xal loogu raadinayo Xaaladda Magaaladda Baladweyne.

WARARKA