Monday, September 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Cudurka Furuqa daayeerka oo La shaaciyay in uu ka Dilaacay Afrika.

Arbaco 14 Aug, 2024 {HMC} Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee Afrika (Africa CDC) ayaa ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo dagdag ah taas oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka furuqa daanyeerka ee Afrika.

Waa markii ugu horeysay ee ay hay’adda caafimaadku xaalad noocaan ah oo kale ku dhawaaqdo tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2016.

Guddi khubaro ah ayaa go’aankan si aqlabiyad leh u taageeray, iyadoo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO sheegtay in cudurkani uu ku faafay ilaa 26-dal oo dunida ah. Lix iyo toban kamid ah dalalka uu cudurkani ku faafay waxa ay ku yaaliin Afrika.

Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa laga soo sheegay culeyska ugu badan ee cudurkaan waxaana jira kiisas dhimasho ah.

Dalalka kale ee uu cudurkani ku faafay waxaa kamid ah Kenya, Uganda, Rwanda iyo Burundi.

Waa maxay MPox ama furuqa daanyeerka?

Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.

Waxaa jira laba nooc oo waaweyn kuwaas oo mudooyinkii danbe laga diiwaan galiyay cayayaanka, mid kamid ah waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid si dhaqsi leh ku faafa kaas oo aanan saameyn weyn laheyn, halka midka kale uu yahay mid dilaa ah, waxaana lagu tiriyaa xayawaanada in laga qaado.

Dunida ayaa mar qura ku baraarugtay xanuun faafa kaas oo lagu magacaabo COVID-19 kaas oo si xowli ah ku faafay guud ahaan caalamka, balse midkaan hadda ee MPOX ayaa ka bilowday Afrika waxa uuna ilaa haatan ku faafay dalal aan badneyn walow durba qaylo dhaan laga muujiyay.

29kii Luulyo, Xarunta Yurub ee Ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurku waxay sheegtay in khatarta fayraska mpox ay “aad u hoosayso” Yurub.

Qaar kamid ah calaamadaha Furuqa daanyeerka ‘MPox’

Calaamadaha lagu garto furuqa daanyeerka, waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, barar, dhabar-xanuun iyo muruqyada oo xanuuna qofka.

Marka qofka ay qandhada ka jabo waxaa ku hara nabro yaryar oo jirka ah, badanaa nabraha ayaa ka soo baxa wajiga, ka dibna waxa ay ku faafaan qeybaha kale ee jirka sida calaacalaha gacmaha iyo cagaha.

Finanka nabraha ah ee qofka ka soo baxa ayaa ah kuwo xanuun badan oo ay biyo fariistaan ilaa ugu danbeyn ay qalalaan.

Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga, wuxuu u gudbaa indhaha, sanka ama afka.

Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha.

Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xoogaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.

Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.

Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.

Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.

Feyraskan waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.

Sida caadiga ah caabuqa nabarada ayaa iska baaba’a inta u dhaxeysa 14 ilaa 21 maalmood.

Xigasho BBC

WARARKA