spot_imgspot_imgspot_img

Madaxwayne Deni oo kulan la qaatay Xildhibaanada cusub ee Golaha Degaanka Gaalkacyo.

Talaado 13 August 2024 {HMC}-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo, kuwaas oo ku soo baxay doorashooyinka qof iyo cod ah.

Madaxweyne Deni ayaa Golaha Degaanka ku bogaadiyey hawsha culus ee ay daka u hayaan isagoo ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan danaha dadweynaha iyo Hogaaminta Bulshada

Xildhibaanada ayaa la wadaagey warbixin ku saabsan xaaladda degmada iyaga oo isla markaana weydiiyeyey Madaxweynaha su’aalo muhiim ah oo ku saabsan sidii Degmada loo horumarin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaannadu ay u noqdaan hormuud isbeddelka iyo hogaaminta Bulshada

“Wakhtigiina waa inaad bulshada ugu adeegtaan oo aad horseed ka noqotaan horumarka iyo jiheenta Bulshadda.”
Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

WARARKA