Talaado 13 August 2024 {HMC} Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 16-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.
Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar {Dabageed}, Guddoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdiga labada aqal ee Baarlamaanka JFS.
“Waa inoo furan yahay kal-fadhiga 16-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle. Howlaha hor-tebinta idiin leh inaad dardargelisaan ayaan rajeynayaa haddii uu Alle idmo.”
Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay wakiilada Dowladda Hirshabeelle sida ay uga qeybqaateen dagaalka dib u xorreynta.