Isniin 12 Aug 2024 {HMC} Allaha Unaxariistee Waxaa Goordhow Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne Lagu dilay Madeer ibraahin xasan oo Kamid ahaa Ganacsatada Magaalada.
Dilkiisa ayaa ka dhashay kadib Markii Koox Hubeeysan ay Adeeg ka iibsadeeyn kuwaas oo la sheegay kadib in Lacagta diideyn in ay bixiyaan.
Muran halkaasi ka dhashay ayaa Lagu dilay Sida dadka Ganacsatada Goobta ka ak dhawaa Ay Hiiraanweyn u sheegeyn.
Amaan-darada Magaalada Baladweyne ayaa gaartay Halka ugu Sareeysay, waxaana Socda Baadi goobka Kooxdii dilka geeystay.