Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii ugu Dambeeyay Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada degmada Baladweyne oo la dilay

Sabti 10 August 2024 {HMC} Allaha unaxariistee Waxaa Xalay Magaalada Baladweyne Lagu dilay Gudoomiye ku xigeenkii Arimaha Maaliyada Degmada Baladweyne Cabdisahal Shuuriye Xuseen oo ahaa Nin dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay Magaalada

 

Koox Hubeeysan oo doonayay in Moobilka ay ka qaatan Gudoomiyaha iyo wiil uu abti u yahay ayaa rasaas ku furay, waxaana gaarsiiyeen dhawac Culus, intaasi kadib waxaa loola Cararay Isbitaalka Hilaal halkaas ayu ugu dambeeyn ku geeriyooday

 

Allaha unaxariistee Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada degmada Baladweyne Cabdisahal ayaa ahaa Nin dhalinyaro ah oo aad looga yaqaanay Magaalada, waxaana dhalay Nabadoon Shuuriye Xuseen oo asni kamid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan

 

Dhaca dadweynaha ayaa si weyn ugu baahay Mudooyinkii dambo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana Maamulka deegaanka iyo hay’adaha Amaanka ay ku guul-dareeysteen in ay wax ka qabtaan Arintan

 

Galabta ayaa Lagu wadaa in Marxuunka lagu aaso Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan sida ay eheladiisa ay Hiiraan u sheegeyn.

WARARKA