Luul Cabdulle oo 17 Sano jir ah ayaa Shalay Barqadii lagu kufsaday meelo u dhow Gurigooda oo ku yaalla laanta Buulo Xuubeey ee Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Luul Xiliga la kufsanayay waxaa la socday Walaashey ka yar oo 14 jir ah.
Labo Wiil oo Hubeeysan oo gashnaay dharka Shacabka ayaa wadada uga hor-imaaday Abaaro 10:.30 AM Subaxnimo. Intaasi kadib labada wiil waxaa ay kala qabsadeeyn Gabdhaha iyaga oo aad u jir-dilay,
Luul Cabdulle ayaa sheegtay in Labada wiil ee kufsaday ay markii hore u maleeyneysay Burcadka Moobeelada dhaco lakiin, markii qoryaha lagu qabtay waxaa loo sheegay in arinta taasi ka weyn tahay oo ay rabaan in ay ku xad-gudbaan sharaftooda, dood iyo dagaal ayey la galeeyn iyaga oo gabdhaha markii hore jirdilay inta aysan kufsan ka hor. Ugu dambeeyn meel hooyd ah ayey geeysteen Gabdhaha iyaga oo mida weyn ku bilaabay in ay kufsadaan.
“ Xijaabka ayey qoorta iiga xireeyn, midna qorey ayuu igu haayay midna waa ikufsanayay, markii dambo midka qoreyga haayay ayaa kii kale u dhiibay sidaas ayey labooda igu kufsadeyn, Walaashey iga yar oo qeeylineeyso, xalay dhan ma seexan Aniga dhan”
Sawirka Goobta Lagu Kufsaday Gaberta.
Macaan Maxamud kheerye oo ah Hooyada dhashay Gabdhan ayaa sheegtay in labada Gabdhood ay kasoo baxeeyn Guriga, iyaga oo mid kamid ah Quraac usoo waday hooyada Halka mida kalena Xaabo ay usoo doontay qoyska si Caruurta qado loogu kariyo madaama reerka ay ahaayeen Danyar.
“ Gaberteeyda dhawacyo Culus ayaa ku yaalo, Qoorta ilaa Xabadka qorayga ayey kala dhaceeyn ilaa ay miir daboolanto. Xalay oo dhan Gaberta ma seexan waa iska oyneeysay. Waxaa geeyney isbitaal waxaana naloo Xaqiijiyay Kufsiga, Sidaas dhahday Macaan Maxamed oo ah Hooyada Gaberta la kufsaday.
Sawirka Hooyada Gaberta dhashay.
Kufsiga markii uu dhacay kadib dadkii goobta ka ag dhawaa ayaa kusoo baxay, waxaana halkaasi laga soo qaaday Gaberta dhibka la gaarsiiyay. Hooyada Gaberta dhashay ayaa Hiiraanweyn u xaqiijiyay in Gaberta la kufsaday ay guur hore soo martay halka mida kalena aanan wali la guursan oo ay badbaaday.
Nuur Maxamed Xuseen waa aabaha Reerka, waxaa uu sheegay in Asiga oo ku jiro shaqo muruq maal ah Lagu soo Wargaliyay in Gabertiisa la kufsaday, Halkii ayuu shaqadii uga soo dhaqaaqay waxaana Guriga markii uu imaaday arkay Gabertiisa oo jir-dil xoogan ka muuqdo.
Xasan waxaa uu sheegay in dadka Gabdhahiisa dhibaatayay aysan garaneeyn lakiin ay aamisan yahiin Burcadka Hubeeysan ee quryaha Magaalada ku dhax-wato, waxaana uu sheegay in dowlada uu ka dalbanayo Cadaalad.
“ Waxaan ahay Aabo dhibane ah oo lagu xad-gudbay Gabdhahiisa, meel aan u dacwooda iyo Cid aan ka dacwoodo magaranayo. Waxaan Codsanayaa in dowlada ay gacanta kusoo dhigto kuwa dhibka na gaarsiiyay, waxaa sidaas sheegay Aabo Nuur.
Sawirka Aabaha Gaberta dhalay
Ciidamada Dowlada oo Xarun ku leh meel aan ka fodeeyn halka uu dhibka ka dhacay ayay dadka deegaanka sheegeyn in Dhacdadan ku wargaliyeen Kufsiga ah lakiin ay waayeen Cid u imaato oo arintan baaris ku sameeyso.
Amaan-darada Magaalada Baladweyne ayaa gaartay halka ugu Sareeysay, waxaana Magaalada ka dhaco dilal iyo dhac dadweynaha, Maamulka Hirshabeelle iyo Hay’adaha Amaanka ayaa ku guul-dareeystay in Arintan wax ka qabtaan.