Arbaco 07\08/ 2024 {HMC} Kooxo burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay deegaanka Gugutethu oo hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi oo halkaasi kutaalla.
Wiilka ganacsadaha ee la dilay oo lagu magacaabayay Xuseen Cadaw Maxamuud , ayaa loogu galay kaddibna lagu dilay dukaankiisa, burcada hubeysan ayaana la sheegay in dilka kaddib ay dukaanka ka qaateen lacago iyo agabyo kale oo fudud.
Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrka ayaa dilka kaddib goobtaasi gaaray, waxa ayna sheegeen saraakiisha ciidanka hoggaamineysay in ay wadana baaritaanno dilkan ku aadan ayna soo qaban doonaan burcada dilka fulisay.
Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ganacsiyada ku leh, mana jiraan tillaabooyin dowladda Sourh Afrika qaaday oo wax looga qabanayo dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.