Arbaco 07 August, 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, ayaa tababar u soo xirey qaar ka mid ah ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda.
Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimadda, ayaa waxa uu Wasiirku ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.
Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif.