Arbacada 07\08/ 2024 {HMC} Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya, oo xildhibaannada la horgeeyay.
Hindise sharciyeedkan golaha Shacabka la horgeeyay waxaa cod gacan tag ah ku oggolaatay 138-Xildhibaan,waxaana diiday afar xildhibaan, halka uu ka aamusay hal xildhibaan kaliya, sidaasma hindisaha ku ansaxay.
Guddoomiyaha golaha Shacabka ee BFS mudane, Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoominayay kulanka maanta ayaa ugu dambayn ku dhowaaqay inuu ansax yahay xeerka ay maanta meel mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay oo ansixiyay hidise sharciyeedyo dhowr ah oo horey u horgeeyeen qaar kamid ah Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.