Talaado 06 August, 2024 {HMC} Warar si hoose usoo baxayo ayaa sheegaya in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay isugu imaanayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada uu ka dhacayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaana codsaday in shirka markaan uu ka qabsoomo magaalada Kismaayo, maadaama shirarkii hore ay isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo horey loo qorsheeyay in uu qabsoomo dhammaadka bishii hore ee July ayaa baaqday, kaddib markii Madaxweynaha Jubbaland ka cudurdaartay in shirkaasi kasoo qeyb galo, maadaama deegaanno katirsan Jubbaland ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.
Sida aan xogta ku heleyno shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo ka dhacaya ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa ka dhacaya dowlad goboleedyada, waxa ayna madaxda maamulada doonayaan in ay qabsadaan doorasho mar kale dib loogu dooranayo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey muddo kordhin ugu sameeyay madaxda dowlad goboleedyada oo muddo xileedkoodu dhammaaday, waxa ayna hadda Madaxda maamulada doonayaan in ay qabsadaan doorasho si ay awood u yeeshaan doorashada heer Federaal ee dhaceysa 2026.
Doorashada qof iyo cod uu rabay in Madaxweyne Xasan Sheekh dalka ka hirgaliyo ayaa xilligan wajahaya caqabado xooggan, waxa uuna Madaxweynaha la kulmayaa mucaarad xooggan, isaga oo sidoo kale diidan in doorasho ay mar kale kusoo baxayaan qabsadaan madaxda maamul goboleedyada.