Talaado 06 August, 2024 {HMC} Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud ka soo qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo muddo dheer ka tirsanaa AS.
Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in horjoogaha ay ku wareejiyeen Hey’adda NISA, si loo marsiiyo baaritaan sharcigana loo horgeeyo.
Mudooyinkii danbe waxa aad usoo badanayay xubno Ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibaya ciidanka doowlada soomaliya, meelaha ugu badan oo iska soo dhiibayeen ayaa ahaa koofur galbeed iyo Deegaano ka tirsan galmuddug.