Axad 4 August 2024 {HMC} Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} oo sii wato safarka shaqo ee uu ku marayo degmooyinka iyo deegaanada goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa maanta isku maray deegaanada Miir-taqwo iyo Biyo-cadde.
Socdaalka Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar {Dabageed}, xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo Suxufiyiin.
Maamullada Deegaanada Miir-Taqwo iyo Biyo-Cadde iyo shacabkooda ayaa soo dhaweyn diirran u sameeyay wafdiga Madaxweynaha.
“Maanta oo ay taariikhda tahay 4-ta August-2024 waa degmo Biyo-Cadda waxaana loo dhammeystiri doonaa haddii uu Alle idmo sharciyada degmanimo.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen{Cali Gudlaawe} ayaa shacabka Miir-taqwo iyo Biyo-Cadde waxa uu kaaga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa.