spot_imgspot_imgspot_img

Guddi Loo xilsaartay gurmadka dadkii dhibaatada ka soo gaartay weerarkii xeebta Liido oo Kulmay.

Axad 4 August 2024 {HMC} Guddi dowladda u xilsaartay gurmadka dadkii dhibaatada ka soo gaartay weerarkii xeebta Liido oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno, ganacsato iyo culumo ayaa galabta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Guddigaan oo horey u dhisnaa soona maamulay deeqdii qaraxii Zoobe 2 ayaa shaaciyay akkoonada rasmiga ah ee loogu tabarucayo dadka waxyeelada ka soo gaaray qaraxii Liido.

Guddigaan oo uu hormuud u yahay Wasiir Faarax C/qaadir ayaa codsaday in laga wada qeybqaato gurmadka walaalaha dhaawacyada qaba iyo qoysaska ku aggoomobay.

WARARKA