Sabti 3, August 2024 {HMC} Waxaa sii kordhaca khasaraha ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo buux dhaafiyay isbitaalla ku yaalla caasimada.
Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa lagu beegsaday hoteelka Beach View oo ku yaalla xeebta, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shacab fara badan oo halkaasi ku sugnaa, maadaama ay Jimco ahayd, xeebtana ay u damaashaad tageen.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku naf-waayay in ka badan 15 qof, halka 140 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ubadnaa dhalinyaro ku caweynayay xeebta Liido.
Dadka dhintay waxaa ku jira nin iyo xasaaskiis, laba wiil oo walaalo ahaa iyo dad kale oo qaraabo dhow ahaa, kuna sugnaa xeebta xilliga weerarka dhacayay.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii ay xalay AS ku qaadeenxeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxayna intaasi ku dartay in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.