Sabti 3, August 2024 {HMC} Kumannaan qof oo murugeysan ayaa Jimcihi shalay ka qeybgalay aaska madaxii siyaasadda ururka Xamaas, Ismacil Haniyah oo ka dhacay magaalada Doxa ee caasimadda Qatar, laba maalin kaddib marki lagu khaarijiyay magaalada Tehran ee caasimadda Iran.
Salaaddi janaasada ee lagu tukaday marxuumka iyo aaskaba ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan ururada Falastiiniyiinta ee Xamas iyo Islamic Jihad, saraakiil ka kala socday Qatar iyo Iran iyo wakiillo ka kala socday dunida Muslimka, laga soo billaabo Jordan, Morocco, Turkiga, Yemen ilaa Soomaaliya.
Haniyah iyo xubno kale oo ka tirsan Xamas ayaa ku noolaa dalka Qatar. Waxaa aroornimadi hore ee Arbacada lagu dhex dilay guri uu si marti ahaan ah u joogay oo ku yaalla magaalada Tehran, halkaas oo uu uga qeybgalay caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Iran.
Xamas iyo Iran ayaa dilka Ismacil Haniya ku eedeeyay Isra’il. Hase yeeshee Isra’il ma aysan qiran mana beenin. Horay ayay wacad ugu martay in ay ugaarsan doonto oo ay dili doonto madaxda sare ee Xamas, kaddib weerarki 7-badi October ee ay Xamas ku qaadday koofurta Israil.