Sabti 3, August 2024 {HMC} Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam “Axmed Madoobe” ayaa noqday hogaamiye Goboleedkii ugu horreeyay ee ka hadla Xasuuqii xalay Ka dhacay Muqdisho.
Qoraal uu Facebook-giisa ku qoray ayuu ku yiri
“Waxaan murugada iyo xanuunka la dareemayaa dhammaan dadka ku wayay kuwii ay jeclayeen musiibada xalay ka dhacday xeebta liido ee Magaalada Muqdisho oo Khawaariijtu ay ku xasuuqday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Sidoo kale waxaan Caafimaad taam ah u rajaynayaa dadka ku dhaawacmay mashaqadan oon Alle uga baryayo inuu Caafimaad degdeg ah siiyo”
Dhammaaan shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay safka dagaalka la galaan wiilashooda u taagan sidii loo cirib tiri lahaa khawaariijta magaca diineed dadkeenna dhiigiisa ku banaysanaya oo aanay jirin cid ay dhaafayaan”. Ayuu Yiray Madaxweeynaha Doowlad Gobaleedka Jubalnd