spot_imgspot_imgspot_img

Gudoomiye Madaale oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido.

Sabti 3, August 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido.

Duqa Muqdisho ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay shuhadadii ku shahiiday weerarkaasi.

Guddoomiyaha Ggobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay takhaatiirta iyo goobaha caafimaadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalaan caafimaadka dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii ka dhacay Liido.

Duqa magaalada Muqdisho ayaana ballanqaaday in maamulka gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii xalay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Al Shabaab geesteen..

WARARKA