Sabti 3, August 2024 {HMC} Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah, waxaana xigay weerar toos ah oo rag hubeysan ku galeen maqaayada Beach View ee saaran xeebta Liido.
Weerarkan waxaa lagu laayay dad badan oo shacab ahaa oo xeebta u tagay in ay ku nastaan kuna damaashaadaan, waxaana halkaasi ugu tagay kuna beegsaday koox Ka Kooban ilaa 5 Ruux oo Watay Hubka Noocisa Fudud oo Aay Ka Mid Yahiin Babooyinka.
Dadka xeebta Liido xalay lagu laayay ayaa u badnaa dad shacab ah , waxa ayna dadkaasi ahaayeen wiilal iyo gabdho xeebta u tagay in nasiino iyo jawi qaadasho maadaama ay aheyd Jimco.
Sida aan xogta ku helnay dadka Liido xalay lagu laayay waxaa ku jira lamaanayaal dhawaan aqal galay, kuwa muddo kala maqnaa oo isku yimd waqti aan dheereen iyo sidoo kale labo wiil oo walaalo ahaa oo mid kamid ah dhawaan dadka dibadiisa kasoo laabtay.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay intooda badan ahaayeen dhallinyaro da’dooda u dhaxeysay 20 ilaa 40 sanno, waxa ayna ahaayeen kuwa badankood iimaansaday oo dalkooda ku noolaa.
Guryo badan oo kuyaalla magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka jira tacsi iyo murugo, isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho badankood waxaa jiifa oo lagu daweenayaa dad badan oo dhaawacyo qaarkood culus yihiin uu kasoo gaaray weerarkii xalay xeebta Liido ka dhacay.
Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho badankood waxa ay galaaftaan nolosha dhallinyaro mustaqbal iyo hami fog lahaa, Kuwaas oo Doonayay In aay Ku Noolaadaan Dalkooda.