Arbaco 31 July 2024 {HMC} Hogaamiyaha Golaha Militeriga Suudaan, Gen. Abdifatax al-Burhaan, ayaa Saaka ka badbaaday Isku-day dil oo lagu khaarajin lahaa.
Janaraalku wuxuu ku sugnaa Xerada Militeriga ee Gebeit oo ku taalla gobolka Badda Cas ee bariga Suudaan, waxaana halkaasi ku weeraray laba diyaaradood oo yar yar kuwaas oo xambaarsanaa Qaraxyo la farsameeyay.
Waxay dul yimaadeen xerada uu joogay oo uu kaga qaybgalay xafladda askar tababar loo soo gabogabeeyay, balse Ciidanka Cirka ee Suudaan ayaa fashiliyay oo labada diyaaradood ee qaraxyada Siday ee doonayay in ay beegsadaan jananka Hogaamiya golaha Militeriga ee maamula dalkaasi.