Talaado 30-July-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin Iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa si wadajir ah u kormeerey deegaannadii dhawaan lagu jebiyey al shabaab ee Buula Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada hoose.
Masuuliyiinta ayaa mid mid u kor istaagey goobihii iyo difaacyadii sida lagu laayey al shabaab weerarkii ay soo qaaday 22kii -bishan.
Waxay u hambalyeeyeen dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha iyo Ciidanka sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Madaxdu Waxay Balan-qaadeen in dhamaan Ciidanka Labadiisa heer dowlad goboleed iyo federaalba loo dhamaystiri doono Wax kasta oo ay u baahan yihiin si buu yiri cadowga looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan.
Masuulyiintan ayaa qeyb ka ahaa wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo saaka Kismaayo ku tagay booqasho lagu dhiirigelinayo Ciidanka Qaranka.