Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku heshiiyey Xariirka iskaashiga ee labada dhinac

Sabti 27 July 2024 {HMC} Soomaaliya iyo Asarbaijaan ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado xiriirka laba geesoodka ah iyo in sare loo qaado iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Heshiiskan ayaa lagu gaaray intii lagu jiray kulan magaalada Baku ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Amb. Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Asarbayjaan Jeyhun Bayramov.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dhisi lahaa hannaan wadajir ah oo kor loogu qaado iskaashiga iyo horumarinta danaha wadaagga ah, kuwaas oo sida la sheegay daboolaya dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah oo khuseeya dano wadaagga labada dal.

Intaas waxaa dheer, labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen iskaashiga beeraha, kalluumeysiga, warshadaha saliidda iyo gaasta, tamarta cagaaran, dadaallada bani’aadamnimada, iyo waxbarashada.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee hadda jira uu muujinayo sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo sahaminta waddooyin cusub oo iskaashi, taasoo ka tarjumeysa isbeddellada iskaashiga caalamiga ah.

Dhankiisa, Wasiir Bayramov ayaa xusay in tan iyo markii la aasaasay xiriirka diblumaasiyadeed 20 sano ka hor, gaar ahaan sannadihii u dambeeyay, kororka xiriirka Asarbayjaan iyo Soomaaliya uu muhiim u ahaa sahminta fursadaha iskaashiga.

Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leeyahay ballaarinta iskaashiga labada dal iyadoo la raacayo heshiiskii wadatashiga siyaasadeed ee ay labada dal kala saxiixdeen.

WARARKA