Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

sarkaal ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish oo aay soo bandhigtay Puntland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa soo bandhigay sarkaal ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish oo lagu qabtay Buuraleyda Calmis ee Gobolka BariSarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Cimraan Maxamed Calawi oo u dhashay dalka Zanzibar, ayaa lagu soo bandhigay warbixin muuqaal ah oo lagu daabacay bogga Facebookga ee PSF.War qoraal ah oo loo turjumay afka Soomaaliga ayuu Calawi ku qirtay in uu ka tirsan yahay Daacish uuna ka qeyb qaatay dagaalo ka dhan ah kooxaha kale.

Waxa uu shaaca ka qaaday in inta badan dagaalyahannada Daacish ee gobolka ay yihiin ajaaniib, oo ay ku jiraan shaqsiyaad u dhashay Ethiopia, Malawi, Yemen, iyo wadamo kale.

Calawi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay kadib markii uu ka soo baxsaday weerar dhawaan lagu bartilmaameedsaday Daacish oo ka dhacay deegaanka Qandala 31-kii bishii May ee sanadkan.

Qabashada sarkaalka ajnabiga ah ee Daacish ayaa muujineysa dhibaatooyinka amni ee kooxdan ay ku hayaan Puntland iyo guud ahaan gobolka.

Dhawaan, sirdoonka Maraykanka ayaa ka digay dagaalamayaasha Daacish ee gudaha deegaanada Puntland, halkaas oo la sheegay inay farriisin u noqotay horjoogayaasha ugu sarreeya Daacish.

WARARKA