Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Howgallo Aay Iska kaashadeen Ciidanka kumaantooska Danab iyo Daraawiiishta Jubbaland oo kadhacay gobolka jubbada hoose

Sabti 27 July 2024 {HMC} Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ee howlgallada ka wada gobolka Jubbada Hooseayaa mar kale dharbaaxo kulul ku dhuftay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Harboole ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa ka hortegay isku day kale oo ay doonayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab inay kusoo weeraraan deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

“Khawaariijta oo isku dayay in ay weerar ku qaadaay Deegaanka Harboole ayaa sake markale Geesiyaasha Danab iyo kuwa Jubaland u dhigay cashar aysan kaso kabsan karin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan oo ka dhacay meel 12 KM u jirta deegaanka Harboole ayaa waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Waxaa kale oo ay ciidamada soo furteen hubkii ay wateen xubnaha la dilay, kaas oo loo soo bandhigay warbaahinta, isla markaana lagu baahiyay baraha bulshada.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo dhiirogelina ciidamada ayaa haatan ku sugan degmada Afmadow, isaga oo ku gaaray

Axmed Madoobe ayaa waxaa soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada, isaga oo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u tagay Degmada Afmadow dardar galinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab lagu laayay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Buulo-xaaji, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen magaaladaas oo horay ay uga qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

WARARKA