Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo dalab culus ugudbisay Ruushka.

Sabti 27 July 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u danaynaysa in Ruushku uu safaarad rasmi ah ku yeesho Muqdisho sida ay qortay warbaahinta dalkaasi Ruushka.

Soomaaliya ayaa usoo jeedisay Ruushka in uu safaarad rasmi ah ka furto magaalada Muqdisho, sida laga soo xiganayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Ruushka oo 40 sanno ka hor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii bishii May ee sannadkan uu Muqdisho soo booqday safiirka Ruushka ee Soomaaliya Danjire Mikhail Golovanov, kaasi oo aan degganayn magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xukuumaddaha Muqdisho iyo Moscow ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo xoojinayo xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet 45 sano kahor.

Wixii markaas ka horreeyay Ruushka wuxuu xiriir dhow kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidankii burburay ee Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ayaa u muuqda mid soo noqonaya, iyadoo bishii Maarso ee sanadkii hore uu wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya booqday Ruushka markaas oo kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay xukuumadda Moscow.

Sidoo kale Ruushka ayaa markaas ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda AS.

Si kastaba, dalabka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay Ruushka ayaa wax badan ka tari doona xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow.

WARARKA