Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah kadib markii…

Sabti 27 July 2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa shalay ku dhawaaqday saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, kadib markii la xaqiijiyay in 257 qof ay ku dhinteen laba dhul-go oo Axaddi iyo Isniintii ka dhacay koofurta Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in baroordiiqda loo sameynayo dhibanayaasha ay billaabmeyso maanta oo Sabti ah.

Guddiga Maareynta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa isna sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlaha samatabixinta iyo gargaarka bani’aadannimo.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kuw arrantay, in guryaha dadki ku dhintay masiibada ay buuxiyeen dad murugeysan, si ay uga qeyb galaan ama u wadaacaan boqollaalka qof ee la meydadkooda laga soo saaray dhoobada hoosteeda.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee loo soo gaabsho OCHA, oo soo xiganeysa saraakiisha deegaanka ayaa sheegtay, in duufaanno ka dhashay roob xooggan uu sababay dhul go’a ka dhacay tuulada yar ee Kencho Shacha Gozdi.

Waxay ka digtay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Waa tiradi ugu badneyd oo dhul go’ ugu dhimata dalka Itoobiya, iyada oo ay wali sii socdaan howlaha gurmadka.

WARARKA