Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Paris oo la soo sheegay in waddooyinka tareennada qaar la ‘beegsday’

Jimco 26 July 2024 {HMC} Saacado ka hor xafladda furitaanka Olombikada Paris, shirkadda tareenada ee Faransiiska ee SNCF ayaa sheegtay in shabakadeeda tareennada xawaaraha sare leh lagu bartilmaameedsaday “falal jidgooyo” oo loogu talagalay curyaaminta nidaamka.

Dhowr goobood oo ah goobaha tareennadu maraan ayaa la waxyeelleeyey gaar ahaan galbeedka, woqooyiga iyo bariga Paris waxaana safafku dhaadheeri durba ka samaysmeen goobaha laga raaco tareemmada sida Montparnasse kaas oo u adeega meelaha galbeedka ka xiga caasimadda.

Wasiirka gaadiidka Patrice Vergriete ayaa si adag u cambaareeyay “falalka dambiga ah” ee uu sheegay inay saameyn ku yeelanayaan qorshayaashii fasaxa ee shacabka.

SNCF waxay sheegtay in dab la qabadsiiyey aagaggaas la doonayay in lagu waxyeeleeyo xarumaheeda.

Tiro tareenno ah ayaa la joojiyay waxayna SNCF ka digtay in xaaladdu ay sii jiri karto “ugu yaraan dhammaadka usbuuca inta dayactir lagu sameynayo”.

WARARKA