Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Maamulka Jubaland oo Safar dhul ah ku tagay degmada Afmadow

Jimco 26 July 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmada ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha Magaalada isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa u tagay Degmada Afmadow dardar galinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ayaa dhawaan isku furay wadada isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow oo qeybo ka mid ah ay joogeen kooxda Al shabaab.

WARARKA