Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Agaasimihii hore ee NISA oo Madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyey eedeyn ku saabsan Puntland

Jimco 26 July 2024 {HMC}– Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaliilay Xasan Sheekh oo ka aamusay doorashooyinka ka socda Puntland, maalmihii lasoo dhaafay Puntland waxaa ka dhacay doorashooyinka golaha deegaanka oo hanaan qof iyo cod ah loo qabtay.

Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay sababta Xasan Sheekh oo ku celcelinaya in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo uu uga aamusan yahay doorashooyinka ka socda Puntland oo hanaan qof iyo cod ah ku socda.

Hoos ka akhriso qoraalka uu Fahad Yaasiin ku dhaliilay Xasan Sheekh:

Madaxweyne Xasan Sheekh, laba sanadood iyo dheeraad oo uu xukunka joogo wuxuu meel walba iyo goor walba la taagan yahay dalka waxaan ka hirgalinayaa doorasho qof iyo cod ah.

Shacabka iyo maamulka Puntland waxay qabsadeen doorasho qof iyo cod ah, haddana, Madaxweynaha dalka waa u quuri la’yahay reer Puntland hambalyo iyo boogaadin inuu hawada u mariyo.

Waxaan rabaa doorasho qof iyo cod ah inay dalka oo dhan ka qabsoonto, haddana Puntland uma ogoli, haday qabsadaanna kuma boogaadinayo oo waan ka aamusayaa!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa inuu is waafajiyo hankiisa iyo hadafkiisa.

 

WARARKA