Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu yahay heshiiska militari ee ay Kala saxiixdeen Jabuuti iyo Fransiiska ?

Khamiis 25 Jaly 20204 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Talaadadii ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kaddib wadahadallo laba sano socday.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Faransiiska, waxay saxiixeen heshiis ku saabsan “dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti.

Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qabakii loo maareeyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaal bariga Afrika.

Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyay.

Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

Dalku waxa uu ku yaalaa meel ka soo u dhaw dalka Yemen, una dhow badda cas, halkaas oo qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara.

Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda.

WARARKA